Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in xisbiga haya talada wadanka ee Jubilee uu mar hore lumiyay awoodiisi siyaasadeed.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray qorshaha xisbiga ee la sheegay in lagu soo afjaraya xubinnimada siyaasiyiinta aan daacadda u ahayn Jubilee.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii shakhsiyaadka burburiyay xisbiga ay raaligelin bixin lahayeen.
Waxaa uu xusay inuu diyaar u yahay in laga eryo Jubilee maadaama sida uu hadalka u dhigay uu sameeyay diyaar garow buuxa oo ku aaddan qabashada hoggaanka wadanka sanadka soo socdo.
William Ruto ayaa isagoo ku sugan ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka rajo wanaagsan ka muujiyay in xisbiga UDA uu soo dhisi doono maamulka dowladeed ee sanadka 2022-ka.