DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo daahfurtay diiwaangalinta mashruuc bulshada lagu garab istaagayo

0
278

Wasiirada shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Qorshaynta iyo hormarinta dhaqaalaha dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa waxay si wada jir ah magaalada Muqdisho kaga daah fureen wadatashiga diwaanka mideysan ee xog-keydiyaha Mashruuca baxnaano oo ah mashruuc lagu garab istagao dadka danta yare e ku nool gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarad qorshaynta iyo hormarinta dhaqaalaha dowlada Soomaaliya Jamaal maxamed Xasan iyo dhigiisa wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Soomaaliyeed C/waahb Ugaas Khaliif oo kulanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen muhiimada uu Barnaamijkaan dadka Soomaaliyeed u leeyahay.
Wasiirada ayaa sheegay inuu barnaamijkaan yahay mid aan la siyaasadayn Karin sidoo kalena aan la musuqmaasuqi Karin maadaam dad masaakiin ah oo Soomaaliyeed lagu kaalmeeyo.

Daahfurka barnaamijkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirada shaqada ee maamul goboleedyada waxayna hoosta ka wada xariiqeen inay ka go’an tahay dhamaystirka midaamka xogta bulshada iyo hirgalinta siyaasadaha qaran ee arimaha bulshada.