Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah muddo lix bilood

0
325

Golaha wasiirrada ee wadanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah, kaasoo socon doono muddo dhan lix bilood.
Waxaana maamulka caasimadda Addis Ababa u sheegay shacabka inay u diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen magaala madaxda wadankaasi.
Tani ayaa kusoo aadeyso, iyadoo dagaalyahannada ka soo jeeda gobolka waqooyi ee Tigray ay ku hanjabeen in bartilmaameedkoodu yahay magaalada Addis Ababa.
Xaaladda degdegga ah ee lixda bilood ah ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo isbaarooyin, in la hakiyo adeegyada gaadiidka, in bandow lagu soo rogo wadankaasi iyo in ciidamada ay la wareegaan meelaha qaar.
Shalay ayay ahayd markii maamulka magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa uu dadka deegaanka u sheegay in ay hubkooda diiwaangeliyaan labada maalmood ee soo socota, ayna u diyaar garoobaan sidii ay magaalada u difaaci lahaayeen.
Waxaa sidoo kale qof kasta oo looga shakiyo inuu xiriir la leeyahay jabhadda TPLF la xiri doono amar maxkamadeed la’aan, halka muwaadin kasta oo gaaray da’da adeegga milatariga loogu yeeri karo dagaal.
Wasiirka cadaaladda ee dalka Itoobiya Gedion Timothewos ayaa u sheegay warbahinta dawladda, in wadanka uu khatar wayn kusoo wajahan yahay jiritaankiisa, qarannimadiisa iyo midnimadiisa.
Waxaa uu sheegay in qof kasta oo ku xadgudba xaaladda degdegga ah uu wajihi doono saddex ilaa 10 sano oo xarig ah.
Sidoo kale kuwa taageerada dhaqaale, agab siinaya xooggaga TPLF tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii dagaalyahanada Tigreega ay sheegeen in ay qabsadeen magaalooyinka istiraatiijiga ah ee kala ah Dessie iyo Kombolcha oo katirsan gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada maalmihii lasoo dhaafay.
Waxaa ay sidoo kale tilmaameen in laga yaabo in ay dhanka koonfureed uga sii gudbaan caasimadda Addis Ababa.
Inta badan waqooyiga dalka Itoobiya waxaa ka maqan isgaarsiinta, waxaana la xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka ay adag tahay in si madax banaan loo xaqiijiyo.
Colaadda ka jirta gobolka waqooyi ee Tigray ayaa waxaa ka dhashay masiibo bini’aadantinimo, taaso keentay in boqolaal kun oo qof ay wajahaan xaalado macaluul, sida ay sheegtay qaramada midoobay.
Kumanaan qof ayaa la dilay in ka badan 2.5 milyan oo qofna waxaa lagu qasbay inay guryahooda ka barakacaan.