Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay inay roobab yar da’i doonaan

0
431

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo inay bishan ilaa dhammaadka sanadkan qaybo ka mid ah wadanka ka da’aan roobab aan badneyn.
Meelaha la filayo in roobab heer ahaan kuwo dhow dhexdhexaad ay ka da’aan waxaa ka mid ah dhanka harada Victoria, buuralayda galbeedka , bariga , koonfurta iyo bartamaha gobolka Rift Valley.
Waaxdu waxay sheegtay in roobabka waqooyiga galbeed ee dalka, waqooyi bari iyo xeebta ay weli yaraan doonaan.
Hasa ahaate waxaa saadaasha ku xusan in qaybo ka mid ah wadanka ay ka da’aan roobab culus oo laga cabsi qabo inay ka dhalato xaaladda loo yaqaano La Nina.
Agaasimaha adeegyada waaxdan Stella Aura ayaa sidoo kale ka digtay daadad.