Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in faragelin shisheeye ku badantahay doorashada

0
572

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo heshiisyadii horay loogu garay.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay hor istaageen wax walba oo sahli karay in dalka Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyin, isaga oo sheegay in waxyaabo badna uu uga tanaasulay labada Madaxweynaha.
Heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo Villa Soomaaliya ayuu sheegay inay dhamaan ka horyimaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iy Puntland, sidoo kalena uu ka codsaday in ay usoo gudbiyan Guddiyada doorashooyinka balse ay diideen.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay in Baarlamaanka wakhtigooda uu dhamaaday, balse waajibadkooda qaran ay yihiin kuwo weli gudanaya.
Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal buuxa oo go’amo gaari kara, loona baahan yahay in aan la dhageysan waxa ay sheegayaan shisheeyaha oo faragelin ku haaya doorashada Soomaaliya.