Shirka qaramada midoobay ee arrimaha cimillada oo maanta qabsoomaya

0
424

Waxaa maanta magaalada Glasgow ee dalka Scotland ka furmaya shirweynaha ay soo qaban qaabisay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa kaasoo looga hadlaya isbeddelka ku yimaada cimillada.
Shirkan oo loogu magacdaray (COP26) ayaa waxaa muddo hal sano ah dib u dhigay cudurka COVID-19 .
Waxaa la rajeynayaa in kulankan ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah si kuleyka adduunka loo yareeyo 1.5 C.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada ah in laga hortago musiibo dhanka cimillada ah.