Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxay ka codsadeen madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu hubiyo in lala xisaabtamo kuwa musuqmaasuqa ku lugta leh.
Siyaasiyiintan ayaa ka falcelinayay baaqii dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dalka ee ahaa in kenyaanka aysan dooran shakhsiyaadka lunsanaya kheyraadka dadweynaha.
Waxaa ay sheegeen in madaxweynaha uu awood u leeyahay in uu la xisaabtamo dadka ku lugta leh arrintan.
Waxaa ay xuseen inay qayb ka tahay waajibaadka madaxweynaha ee ah inuu la dagaallamo musuqmaasuqa.
Xildhibaanka deegaanka Garissa Township horayna u soo noqday hoggaamiyihii aqlabiyadda baarlamaanka wadanka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay in si gaar ah uu goob fagaare ah uga sheego magacyada shakhsiyaadka lunsanaya kheyraadka dadweynaha.
Dhanka kale qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee daacadda u ah ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ku boorriyay hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka inuu xaqiijiyo in madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu aqbalo natiijada doorashada ee sanadka dambe haddii uu Ruto kaga guuleysto.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Dr .Ruto ayaa ku boorriyay hogaamiyayaasha in ay la yimaadaan qorsheyaal cad oo wanaajinaya nolosha kenyaanka.
Home Wararka Kenya Xildhibaannada xulafada la ah Ruto oo madaxweynaha ugu baaqay inuu ciqaabo hoggaamiyeyaasha...