Dugsiyada Uganda oo la furi doono sanadka cusub

0
501

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in xarumaha waxbarashada wadankaasi oo xiran tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore dib loo furi doono bisha koowaad ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu xusay in sidoo kale dib loo furaya dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalkaasi iyadoo aan la eegeyn xaaladda caabuqa corona.
Museveni ayaa tilmaamay in ilaa iyo hadda 3 milyan oo ka mid ah shacabka Uganda ay qaateen tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhammaadka sanadkan ay tallaali doonaan 12 milyan oo ka mid ah 45 milyan oo ku noo Uganda.
Museveni oo Uganda hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1986-dii ayaa dadweynaha kula taliyay inay tagaan goobaha laga bixinaya tallaalka haddii kale xarumahaasi la geyn doono.