Koox kormeer ku sameysa doorashooyinka oo walaac ka muujisay tirada hooseysa ee la diiwaangeliyay

0
435

Kooxda ELOG oo kormeerta howlaha doorashooyinka ayaa sheegtay inay ka walacsan tahay tirada yar ee codbixiyeyaasha ilaa iyo hadda uu diiwaangeliyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC.
ELOG ayaa guddiga IEBC ku eedeysay inuusan dadweynaha u sameyn wacyigelin buuxda oo ku saabsan barnaamijkan iyo kaalinta uu ka qaadan karo isbeddelka dhanka hoggaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa ku doodaya in gaabad dhanka wacyigelinta ah oo ka yimid IEBC uu sababay in shacabka aynan jeclaan is diiwaangelinta.
Kooxda ayaa dhanka kale sheegaysa in intii u dhexeysay 11-kii ilaa 22-kii bishan xogta ay IEBC la wadaagtay dadweynaya iyo wacyigelinta la abuuray ay gaartay boqolkiiba 57.
Sidoo kale xisbiyada siyaasadeed ayaa lagu eedeyay inaysan si wayn dadka ugu boorrin inay codeynta sanadka 2022-ka isku diiwaangeliyaan.
Boqolkiiba 30 ee xarumaha ay kooxda ELOG kormeerka ka sameysay ayaa lagu arkayay saraakiisha xisbiyada oo wacyigelin wado.
Hasa ahaate waxay kooxdan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada ku ammaantay sida habsamida leh ee uu u maareynaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha cusub in kastoo ay jiraan caqabado kooban oo la soo tabiyay.
Warbixinta ELOG waxaa ku cad in boqolkiiba 82 ee xarumaha diiwaangelinta la furayay xilligii loogu tala galay.
Kooxda kormeerka ku sameysa doorashooyinka ayaa shacabka aan weli is diiwaangelin ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan maalmaha haray.