Maamulka militariga ee dalka Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inuu shaqada ka eryay 6 ka mid ah danjirayaasha wadankaasi ku matalayay dalalka kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay sii xoojiyeen howlgalladooda ka dhanka ah dibadbaxyada lagu taageerayo dimuqraadiyadda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo taraysa cadaadiska caalamiga ee la xiriira afgembigii ay Isniintii ciidamada difaaca Suudaan xukunka kagala waregeen maamulkii rayidka.
Safiiradda shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah kuwii Suudaan u qaabilsanaa Maraykanka , midowga Yurub, Shiinaha, Qatar, Faransiiska iyo Switzerland gaar ahaan magaalada Geneva.
Danjirayaasha ayaa lagu eedeyay inay ka soo horjeesteen tallaabadii uu milatarigu xukunka kula wareegay.
Shalay ayay ahayd markii Midowga Afrika uu shaaciyay go’aan uu meesha kaga saarayo xubinimadii Suudaan ilaa iyo inta dalkaasi dib looga soo celinayo nidaamkii kala dambeynta ee lagu hagayay.