Madaxweynaha dalka oo u tacsiyeeyay qoyska wasiiradda dhulalka

0
414

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta wasiiradda wasaaradda dhulalka Farida Karoney.
Tani ayaa timid ka dib markii ay geeriyootay walaasheed ka wayn oo lagu magacaabi jiray Nancy Cheptoo Karoney.
Nancy ayaa geeriyootay iyadoo 54 sano jir ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in Nancy Karoney oo ahayd macallimad shaqada ka fariisatay uu nolosheedu galaaftay cudurka kansarka.
Mr.Kenyatta ayaa qoyska ay ka baxday u sheegay inuu uga mahadcelinayo kaalintii ay ka soo qaadatay horumarinta tacliinta dalka oo uu dhanka kale murugada la qaybsanaya ehelka wasiiradda arrimaha dhulalka Farida Karoney.