Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maxkamadda racfaanka u gudbiyay go’aan uu uga soo horjeedo amar kasoo baxay maxkamadda sare ee wadanka, kaas oo ah in muddo labo toddobaad ah oo uu ku soo magacaabayo 6 garsoorayaal oo uu horay magacyadoodu dhinac iskaga dhigay.
Liis ka koobanaa 41 oo mid ka mid ah uu geeriyooday ayuu madaxweynaha wadanka bishii lixaad ka soo xushay 34 .
Lixda uunan magacaabin ayuu u cuskaday inay wajahayaan eedeymo dhanka habdhaqanka ah.
Madaxweynaha dalka ayaa ku doodayaa in amarka maxkamadda sare uu yahay mid aan sharci ahayn oo laga yaabo inuu abuuro khilaaf u dhexeeya xafiiska guddoomiyaha maxkamadda Sare iyo kan madaxweynaha.
Mr. Kenyatta ayaa doonaya in maxkamadda racfaanka ay hakiso xukunka maxkamadda sare ilaa laga dhageysanayo lagana soo gabagabeenayo dacwadda uu gudbiyay.
Garsoorayaasha kala ah William Musyoka, James Wakiaga iyo George Dulu ayaa soo saaray amarka ka dhanka ah madaxweynaha.
Waxay sheegeen in haddii hoggaamiyaha dalka uunan fursaddan ka faa’iidaysan marka ay dhamaado muddada loo qabtay ka dib , xakiinnada loo aqoonsan doono kuwo magacaaban oo ka shaqeyn karo maxkamadda.
Xaakinnadan uunan madaxweynaha dalka magacaabin ayaa kala ah Aggrey Muchelule, George Odunga, Weldon Korir iyo Joel Ngugi oo lagu waday inay ka howlgalaan maxkamadda racfaanka.