Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay magaalada Guriceel

0
327

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusunna oo maalmihii la soo dhaafay kuwa dowladda kula dagaalamayay degmadaas ay saaka ka baxeen magaalada.
Ka bixitaanka Ciidanka Ahlusunna ee Guriceel ayaa ka dambeeysay ka dib wadahadal ilaa xalay socday oo uu garwadeen ka ahaa Ganacsade lagu magacaabo Xaashi Carabeey waxaana xogta la helay ay sheegeysaa in Ciidanka Ahlusuna ay tageen degaanka Godwiil ee duleedka ka ah degmada Guriceel.
Wararka ayaana sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Aaga Jaamacadda oo maalmihii la soo dhaafay ay kula dagaalamayeen Ciidanka Ahlusunna, sidoo kalena ay la wareegeen laba Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo Ahlusunna ku qabsadeen dagaalkii Bohol, kuwaas oo ay ogolaadeen inay dowladda ku wareejiyaan.
Dagaal socday muddo Afar Maalmood oo xiriir ah Guriceel ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhigan waxaana ku barakacay dadkii magaaladaasi ku noolaa.