Haween dibadbax ka sameeyay Afghanistan

0
523

Haweenka u dhaqdhaqaaqa arrimaha jinsiyadda iyo xuquuqda la xiriirta ayaa dibadbax ka dhigay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.
Waxay sheegeen inay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan in caalamku uu u muuqdo inuu ka aamusay dhibaatooyinka haysta dumarka Afghanistan.
Haweenka ayaa ku doodaya in beesha caalamka aynan qaadin tallaabooyin falcelin ah oo ku aaddan caqabadaha haweenka .
Kooxda Taalibaan ayaa bartamihii bishii siddeedaad oo ay la wareegtay hoggaanka Afghanistan mamnuucday dibadbaxyada.
Waxyaabaha dumarka mudaharaadka ka dhigay magaalada Kabul ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in la xoojiyo xuquuqda ay u leeyihiin dhanka tacliinta iyo shaqada.
Wahida Amiri oo ka mid ah qabanqaabiyaasha dibadbaxa ayaa baaq u dirtay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres oo ay ka codsatay inuu tixgeliyo cabashooyinkooda.