Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo geeriyooday

0
431

Roh Tae-woo oo horay u soo hoggaamiyay Kuuriyada Koonfureed ayaa geeriyooday isagoo 88 sano jir ah.
Taliyahan hore ee militari ayaa wadankaasi hoggaaminayay intii u dhexeysay sanadkii 1988 ilaa 1993 wuxuuna ahaa madaxa xisbiga Democratic Justice Party.
Waxaa lagu xusuustaa inuu qayb ka ahaa afgembigii militari isagoo kadibna ku guulaystay doorashadii lagu tilmaamay midii furtay bogga dimuqraadiyadda wadankaasi ka hor inta aan arrimo musuqmaasuq loo xirin.
Isbitaalka Jaamacadda qaran ee Seoul ayaa sheegay in Roh uu dhintay isagoo xanuun aan la faahfaahin laga daweeynayay.