Madaxa caddaaladda ee dalka Martha Koome ayaa shaacisay qorshe lagu dhisayo maxkamado gaar ah oo la falgalaya kiisaska ka dhasha hadallada nacaybka ku salaysan .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guud ahaan dalka uu ku sii fidayo ololaha la xiriira doorashada guud ee qorshaysan inay wadanka ka dhacdo sanadka dambe ee 2022-ka.
Madaxa caddaalada ee Kenya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha la xiriira hadallada nacaybka ku salaysan sidaas darteeda ay guddiga garsoorka u gudbin doonaan codsi ku aaddan in la sameeyo maxkamad gaar ah oo wax ka qabata kiisaska ka dhasha hadallada nacaybka ah.
Koome oo warbaahinta kula hadlaysay magaalada Nairobi ayaa xustay in maxkamadahan gaarka ah laga dhisi doono ismaamullada kala ah Nairobi, Mombasa, Nakuru, Eldoret iyo Kisumu.
Waxay sidoo kale shaacisay qorsheyaal maxkamadahan loogu ballaadhinayo meelo badan oo dalka ka mid ah si looga hor taggo wax kasta oo xasiloonida liddi ku ah loona xakameeyo hadallada nacaybka ah.
Waxay tilmaantay in hadii loo baahdo deegaano kale ay suuragal tahay inay ka howlgaliyaan maxkamadahan si qaab degdeg ah loola tacaalo hadallada nacaybka ku salaysan loona marsiiyo sharciga shakhsiyaadka ku lugta leh.
Ms. Koome ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqday inay dowladdu ka shaqaynayso sidii loo taageeri lahaa ciidamada booliska si kor loogu qaado dadaallada looga hor taggayo tacadiyada ka dhanka jinsiga, kuwaasoo ay sheegtay in kiisaska la xiriira ay aad u badan yihiin.
Madaxa caddaalada ee dalka ayaa arrintan ka hadashay xilli ay kulan la qaadatay saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka IEBC iyo daneeyeyaasha kala duwan ee dowladda si wada jir loogu qaado tallaabooyinka muhiimka ah ka hor doorashooyinka guud ee sanadka 2022-ka.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i, dhiggiisa isgaarsiintaJoe Mucheru, xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in 5,000 oo ciidamo ah loo xilsaari doono inay la shaqeyaan guddiga IEBC xilliga doorashooyinka guud.