Maxkamadda ugu sarreysa dalka oo hor istaagtay dhaarinta Anne Kananu

0
549

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa soo saartay amar lagu hor istaagayo in xilka barasaabka ismaamulka Nairobi loo dhaariyo Anne Kananu oo hadda si ku meel gaar ah u sii haysa.
Waxaa amarkan soo saaray garsoore Maxamad Ibraahim oo tixgeliyay codsi uu gudbiyay guddoomiyihii hore ee caasimadda dalka Mike Sonko.
Xaakinka ayaa codsiga Sonko ku tilmaamay mid degdeg ah.
Amarkan oo la siiyay xafiiska ismaamulka Nairobi u qaabilsan la wareegidda xilalka , guddiga barasaabka iyo dowladda hoose ee Nairobi ayaa shaqeyn doono muddo 14 cisho ah.
Mike Sonko ayaa maxkamadda Supreme Court tagay ka dib markii maxkamadda racfaanka ay toddobaadkii hore diiday in la joojiyo dhaarinta Kananu.
Garsoorayaasha kala ah Wanjiru Karanja, Jamila Maxamad iyo Jessie Lesiit ayaa sheegay in Mike Sonko uunan maxkamadda sare kaga soo horjeedsan in xilkii laga xayuubiyay si buuxda loogu dhaariyo ku xigeenkiisi Anne Kananu.