Waxaa isa soo taraysa tirada dadka dalbanaya inuu xafiiska baneeyo agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Kenya Nuurdiin Xaaji.
Ganacsade lagu magacaabo Francis Njeru ayaa maanta diiwaangeliyay dacwad ka dhan ah agaasimaha.
Waxaa uu Nuurdiin Xaaji ku eedeynayaa inuu si xun u maareeyay kiis uu gudbiyay.
Dacwadda uu Njeru cabashada ka muujiyay ayaa ah mid la xiriirta muran dhanka hantida waxayna u dhexeysaa shirkadaha China Road Bridge Corporation (CRBC) iyo ARJ Capital.
Francis Njeru ayaa tabashada uu qabo u bandhigay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Toddobaadyo ka hor ayay markii Gabriel Van Straten oo la dhalatay maalqabeen ka soo jeeday dalka Netherlands laguna magacaabi jiray Tob Cohen ay ku eedeysay agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka in sida habboon uunan wax uga qaban kiiska dilka walaalkeed oo dhacay dabayaaqadii sanadkii 2019-kii.
Home Wararka Kenya Shakhsiyaad codsanaya in xilka laga qaado agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka