Dowladda dhexe ayaa sheegtay inaysan ka gamban doonin xiritaanka warbaahinnada gudbinaya ama faafinaya hadallada naceybka, qabyaaladda iyo kala qayb sanaanta ku suleysan.
Waxaa digniintan soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i.
Wasiirka ayaa sheegay in waajib naga wada saaran yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka la ilaaliyo, islamarkaana uu warbaahinta ugu baaqay in baahiyaan waraka ku saabsan nabadda iyo dib u heshiisiinta ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Mr. Matiang’i ayaa dhanka kale ku boorriyay siyaasiyiinta inay si xor ah ololahooda siyaasadeed u sameystaan, iyagoo aanan fasax weydiisan dowladda.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo in ka badan 8 eedeysanayaal oo lala xiriirinayo qalalaase lagu bartilmaameedsaday kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto lagu xiray ismaamulka Busia.
Dhanka kale wasiika wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Fred Matiang’i ayaa sheegay inuu difaaci doono barnaamijka kaarka Huduma.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay soo saartay go’aan ah in hannaankii lagu daahfuray adeegga Huduma Number uu ahaa mid aan waafaqsanayn sharciga marka la eego xeerka sanadkii 2019-kii ee ku saabsan ilaalinta macluumaadka.
Hasa ahaate waxay maxkamaddu mid aan micno lahayn ku tilmaantay racfaan loo gudbiyay oo lagu doonayay in lagu joojiyo adeegga kaarka Huduma maadaama dowladda dhexe ay horay ugu sii tallaabsatay oo ay jiraan shakhsiyaad kaararkan la siiyay.
Machadka Katiba Institute ayaa maxkamadda geeyay kiis uu ku dalbaday in barnaamijkan la istaajiyo hasa ahaate dowladda dhexe ayaa racfaan ka qaadatay taasoo ugu dambeyn go’aan laga soo saaray.