Maraykanka oo joojinaya taageero la siinayay dowladda Yemen

0
663

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shaaciyay in la soo afjarayo taageero xukuumadda Washington ay siin jirtay howlgallada militari ee uu hoggaaminayo Sacuudiga ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la doonayo in dagaalka la soo gabagabeeyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sacuudi Carabiya ay soo dhaweysay mowqifka uu qaatay maamulka Biden.
Hasa ahaate arrinkan ayaan saameyn doonin howlgallada Maraykanka ee Yemen ee ka dhanka ah Al-Qaacidda sida laga soo xigtay la taliye sare oo dhanka amniga oo lagu magacaabo Jake Sullivan .