DHAGEYSO:Gawaari xamuul siday oo muddo ku xayiran waddada u dhexeysa Jowahr iyo balcad

0
546

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in gaadiid fara badan oo alaabo kala duwan u waday gobollada dalka Soomaaliya ayaa dhowr cisho ku xayiran yihiin waddada u dhexaysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolkaasi.
Gaadiidkaan ayaa xayirmay ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay roobab xooggan ka da’ayeen deegaano badan oo gobollada dalka Soomaaliya ka mid ah taasoo keentay in waddooyinka ay gaadiidkaan mari jireen oo awal burbursanaa ay biyo fara badan fariistaan gaadiidkuna ka bixi waayaan.
Ku dhawaad 10 gaari ayaa lagu soo warramayaa inay ku xayiran yihiin inta u dhexaysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka shabeellada dhexe, kuwaasoo qaarkood ay xamuul sideen halka kuwa kalena ay rakaab sideen.