Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga oo loo fududeynayo sharciyadooda la xidhiidha ganacsiga

0
628

Khaliif Cabdi Cumar, wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya iyo wefti u hoggaaminayo ayaa maanta wadanka Turkiga kulan laba geesood ah kula qaatay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga ee dalkaasi Dr. Mehmet Muş oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka Ganacsiga labada dal iyo dhibbaatadii dhawaan ku dhacday Ganacsatada Soomaaliyeed ee Ankara.
Kulanka, ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayey Safiirka Soomaaliya ee Turkey Amb. Jaamac Caydiid, U-qaabilsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay labada dhinac isla-garteen in culayska laga dul-qaado Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsata magaalada Ankara sidoo kale na loo fududeeyo sharciyadooda la xidhiidha Ganacsiga iyada oo sidoo kale na Ganacsatada looggu baaqay inay ilaaliyaan sharciga dalkaasi.
Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka Ganacsi iyo dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal isla-mar-ahaantaana sida ugu dhakhsiyaha badan loogga shaqeeyo siddii loo soo gebo-gabayn ama loo soo dhammeystiri lahaa heshiiska TEPA ee iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga oo maraaya heer-gebo-gabo ah kaas oo fududeyn doona ganacsiga labada dal, sidoo kale na kor-u-qaadi doona siddii ay Soomaaliya dheeli-tir ganacsi u la yeelan lahayd wadanka Turkiga.