Nin Kiraystay mas Sumeysan si uu u dilo xaaskiisa oo uu guursado mid kale

0
778

Nin u dhashay dalka India ayaa lagu helay dambiga ah inuu dilay xaaskiisa isagoo kiraystay mas halis ah si uu u qaniino isla markaana uga dhigo mid aan ku tala gal ahayn oo shil ah, si uu u qaato dahabkeedii una guursado xaas kale.
Arrintan lagu tilmaamay dil casriga ah, ayaa nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda degmada Kollam ee gobolka Kerala ee India lagu helay dambi ah inuu abaabulay oo fuliyay dilka xaaskiisa isagoo gacan ka helaya mas nooca halista ah ee sumeysan.
Dambiga foosha xun ayaa dhacay bishii shanaad ee 2020-kii, laakiin baarayaashu ayaa u baahnaa in ka badan hal sano si ay u ururiyaan caddaymaha lagama maarmaanka u ah in ninka lagu xukumo dilka.
Xaqiiqda ayaa ah in ninka 32-jirka ah aan lagu heli lahayn dambiga hadii aysan ahayn waalidka xaaska, oo ka shakiyay ninka ka dib na bilaabay dacwad ka dhan ah isaga.
Dacwad -oogayaashu ayaa ku guuleystay inay caddeeyaan in bishii Maarso iyo May ee sannadkii hore, P. Sooraj uu isticmaalay mas nooca loo yaqaano Cobra oo ka kiraystay hawlwadeeno maxalli ah si uu u sumeeyo xaaskiisa, oo lagu magacaabi jiray Uthra.
Isku daygii koowaad, oo lagu fuliyay guriga lammaanaha, halkaas oo ay kula noolaayeen cunugooda oo hal sano jira, Uthra waxaa qaniinay mid ka mid ah masaska, laakiin waxay ku guulaysatay inay ka badbaado.
Kadib, 6 -dii bishii Shanaad ee sanadkii hore, markii ay ka soo kabanaysay qaniinyadii maskii hore, Uthra waxaa markale qaniinay maska kaas oo ay u dhimatay.
Baarayaashu waxay ku andacoodeen in P. Sooraj uu ahaa qofkii keenay maska sunta ah oo uu qaniinay xaaskiisa, labadii jeerba.
Waxay soo saareen caddeymo muujinaya in 32-jirkan uu baaritaan ku sameeyay maareynta masaska iyo qaniinyada masaska dilaaga ah muddo bilooyin ah, ka hor inta uusan la xiriirin goobaha lagu xanaaneeyo masaska oo uu bartay sida si ammaan ah loo maareeyo.
Booliisku waxay ku guuleysteen inay raadiyaan gacan -ku -hayihii masaska oo qirtay inuu Sooraj u tababaray sidii uu masaska u maamuli lahaa oo xitaa u siin jiray muunad, taasoo markii dambe u sahashay inuu ku dilo xaaskiisa.
Subaxdii, Sooraj wuxuu iska dhigay qof naxsan kadib markii uu ogaaday in xaaskiisa Uthra ay geeriyootay, laakiin waalidka haweeneyda ma aysan aqbalin.