Kenya oo la soo gaarsiiyay in ka badan 500 oo kun oo ah tallaalka COVID19

0
398

Dowladda Kenya ayaa la soo wareegtay daawooyin dheeraad oo ah nooca loo yaqaano Johnson and Johnson oo gaaraya 504,000.
Dowladda ayaa tallaalkan si toos ah uga soo iibsatay xarunta COVAX si sare loogu qaado barnaamijka tallaal bixinta ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Xalay ayaa dawooyinkan la soo gaarsiiyay dalka waxaana horay loo adeegsanayay noocyada kale ee Moderna, Pfizer, Sinopharm iyo AstraZeneca.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan caabuqa corona gudaha dalka looga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof iyadoo ilaa iyo shalay ay tallaalka qaateen 4.6 milyan.