Francis Atwoli oo beeniyay inuu doonayo in loo sharciyeeyo ereyga’Alaaa’

0
590

Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli oo xalay wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu isku dayaya inuu xuquuq sharciyeysan u helo erey uu isticmaalo marka uu arrin la amakaago.
Waxaa uu xusay in tani ay ahayd soo jeedin uga timid qareenadiisa balse uunan ku adkeysan in isaga si gaar ah loogu aqoonsado.
Mr. Atwoli ayaa tilmaamay in arrin lagu farxo ay tahay in qaar ka mid ah kenyaanka ay hadda adeegsanayaan hal qabsi isaga looga bartay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay arrintan soo shaac baxday taasoo shacabka ay siyaabo kala duwan uga hadleen.