Dad ku dhintay weerar ka dhacay dalka Suuriya

0
377

Weerar bambaano oo lagu qaaday bas ay ciidamadu saarnaayeen magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya ayaa lagu dilay ugu yaraan 14 askari oo milateri ah halka saddex kalena lagu dhaawacay, sida uu sheegay telefishanka dowladda iyo sarkaal milateri ah.
Weerarka oo dhacay manata oo arbaco ah ayaa waxaa xigay duqeymo ciidan oo ka dhacay gobolka Idlib oo ay mucaaradku haystaan, kaasoo shaqaalaha gurmadka ay sheegeen inay ku dhinteen 12 qof.