Dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay caasimadda gobolka waqooyi ee Tigray ee Mekelle.
Howlgalkan ayaa ah midkii labaad isbuucan gudihiisa.
Hasa ahaate weli ma cadda inuu khasaaro nafeed ka dhashay duqeymaha iyo in kale.
Ku dhawaad hal sano waxaa gobolka Tigray ka taagan iskudhacyo u dhexeya ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF.
Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sheegay in duqeymaha dhanka cirka ah lagu bartilmaameedsaday goobo ay TPLF ka dhigatay meelo lagu soo saaro hubka.