SAWIRRO:Al-Shabaab oo gubay raashin loo waday shacabka Xudur

0
397

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gubeen oo ay dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay horay u go’doomiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmada Waajid ee gobolkaasi.
Gaari Dameerada la gubay ayaa siday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna u socdeen magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aysan soo gaarin Al-Shabaab.
Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qaybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay kooxda Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas ka dib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, ka dib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool.
Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku haysay Xudur iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.
Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ku xooggan tahay kooxda Al-Shabaab oo weerarro ka fulisa qaybo badan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya.