Justin Muturi:waxaa halyeeyo ah dadka ku jira dabaqadda hoose ee nolosha

0
479

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa amaanay ganacsatada dalka ee ku jiro dabaqadda hoose ee nolosha.
Waxaa uu halyeeyo ku tilmaamay haweenka khudaarta iibiya , farsamayaqaannada soo saaro agabka kala duwan iyo wadayaasha mootooyinka.
Mr. Muturi ayaa sheegay in ganacsatadan ay mudan yihiin in lagu bogaadiyo dadaalka ay gelinayaan sidii ay ku heli lahayeen qutul maalmeed.
Dhawaan ayay ahayd markii wareysi uu bixiyay Muturi uu ku difaacay siyaasadda madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ee ku saleysan in la taageero danyarta si uu u jiro kobac dhaqaale.