Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Bruno Shioso ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay ku dhici doonto jawi deggan maadaama amniga si wayn loo adkeynaya.
Waxaa uu xusay in la billaabay diyaar garowga ku aaddan xaqiijinta amniga doorashooyinka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in doorashada guud ee dalka ay dhacdo 9-ka bisha siddeedaad ee sanadka danbe.
Hadalka Bruno ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan rabshado lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah musharraxiinta laga soo tabiyay qaybo ka mid ah wadanka.
Afhayeenka ciidamada ammaanka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Capital FM ku sheegay in waaxda qaran ee adeegga booliska ay ka go’an tahay sidii ay xasilooni buuxda uga jiri lahayd guud ahaan wadanka xilliga doorashooyinka iyo marka laga gudbo ka dib.
Mr. Bruno Shioso ayaa carrabka ku adkeeyay in boolisku ay adeegsan doonaan qaab iskaashi oo dhinacyo badan ah si qorshaha dhanka nabadgelyada loogu guulaysto.
Shioso ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliska ay khibrad ka kororsadeen dhacdooyin hore sidaas awgeedna ay sameynayaan diyaar garow dhameystiran oo ku saabsan ka hor tagga iyo ka falcelinta rabshadaha.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ugu baaqay inay mar kasta deganaansho muujiyaan oo ay nabadda ku dadaalaan.
Sidoo kale afhayeenka booliska dalka ayaa kenyaanka ku boorriyay in marka ay ka qayb galayaan isku soo baxyada siyaasadeed ay raacaan talooyinka wasaaradda caafimaadka ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Shioso waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in dib loo soo celiyay xasiloonidii ismaamulka Laikipia oo ay horay uga dhaceen falal amni darro.