Wararka naga soo gaaraya caasimadda dalka Syria ee Dimishiq ayaa sheegaya inay qarxeen labo bambo oo la geliyay hareeraha waddooyinka.
Qaraxyada ayaa saameeyay bas siday ciidamada difaaca ee wadankaasi.
Ugu yaraan 13 ka mid ah saraakiisha gaashaandhigga ee Syria ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay qaraxyada ku nafwaayeen .
Warbaahinta dowladda Syria ayaa ku warramaysa in saddex kale ay dhaawacmeen.
Hasa ahaate mar jirto cid durbaba sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi.