Falastiin oo cambaareysay xeer awoodo dheeraad ah siinaya booliska Israa’iil

0
339

Dowladda iyo shacabka Falastiin ayaa dhaliil u jeediyay Israa’iil ka dib markii golaha wasiirrada ee maamulkaasi uu ansaxiyay hindise sharciyeed awoodo dheeraad ah siinaya ciidamada ammaanka.
Xeerkan ayaa sare u qaadaya awoodaha booliska ay u leeyihiin inay kormeer ku sameyaan dadweynaha ku nool xuduudda ay Israa’iil sheegatay sanadkii 1949.
Hasa ahaate falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay tallaabadan oo ay xuseen in qiil looga dhiganaya xakameynta falal dambiyeedyada kordhay balse horseedi karto xadgudub dheeraad ah .
Waxaa hindisahan soo jeediyay wasiir lagu magacaabo Gideon Saar wuxuuna ku soo beegmayaa ka dib go’aankii ay bishii hore Israa’iil ciidamadeeda adeegga gudaha ee sirdoonka ku gaysay qaar ka mid ah magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka Falastiin.
Qorshahaasi ayay ku tilmaantay dagaal qaran oo ka dhan ah falal dambiyeedyada.
Hindisaha ay ansaxiyeen golaha wasiirrada ee Israa’iil ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay ugu codeyaan ka hor inta uunan dhaqangelin.
Hasa ahaate waxaan weli caddeyn in hindisahan lagu taageeri doono codeyn aqlabiyad ah iyo in kale.
Xasan Jabareen oo ah aasaasaha iyo agaasimaha hay’adda falastiiniyiinta ku nool gudaha Israa’iil ku difaacda dhanka sharciga ee loo yaqaano Adalah ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu booliska fursad u siin doono inay baaritaano ka sameyaan guriyaha shacabka Falastiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay micnaheedu tahay inuusan jiri doonin kormeer caddaaladeed oo ku aaddan howlgallada ay ciidamadu ka fulin doonaan guriyaha.