Maalinta qaran ee halyeeyada oo maanta Kenya laga xusaya

0
420

Waxaa maanta dalka looga dabaal degayaa maalinta qaran ee halyeeyada oo sanad kasta la qabto 20-ka bisha Tobnaad.
Xuskan ayaa lagu sharfaa halyeeyadii u soo halgamay xornimada wadanka.
Munaasabadda ugu wayn ee dabaal degga ayaa lagu qaban doonaa ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa garoonka Wang’uru Stadium ee degmada Mwea ka jeedin doono khudbad qaran.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in si looga hor tago faafitaanka cudurka COVID19 in fagaaraha uu dabaal degga ka dhacaya ay ku sugnaan doonaan keliya 2,000 oo qof.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha maamulkiisa u qabsoomay ee dhanka horumarka.
Sidoo kale madaxweyne Kenyatta ayay u badan tahay inuu soo hadal qaado dadaallada ilaa iyo hadda la sameeyay ee ku aaddan xakameynta cudurka COVID19.
Xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee sanadkan waxaa marti sharaf ku ah madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera iyo marwada koowaad ee dalkaasi Mrs. Monica Chakwera.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo hoggaamiyaha dalka ee ah inuu meesha ka saaro bandowga habeenkii wadanka ka jiro inta u dhexeysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.