Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa baaraya geerida muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Jarmalka oo meydkiisa laga helay hooygi uu deganna ee ismaamulka Nyeri.
Waxaa lagu magacaaabi jiray Wise Klaus Armin isagoo da’adiisu ahayd 75 sano jir.
Sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista ,meydka Wise Klaus Armin ayaa la helay isagoo ka laalaada albaabka qolka jiifka.
Waxaa horaan la sheegay in muran uu kala dhexeeyay xaaskiisa.
Xaaska muwaadinka u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Rosemary Wangui, oo 38 sano jir ah, ayaa dhankeeda sheegtay in warbixin arrinkan ku aaddan ay 15-kii bishaan u gudbisay saldhigga dhexe ee booliska ee Nyeri.
Waxay farriinteeda ku xustay in gelinkii hore ee maalinkii dhacdadan la soo tabiyay ka hor geerida seygeeda ay booqatay hooyadeed oo xanuunsaneyd.
Ka dib markii ay ku soo laabatay gurigeeda, ayaa la sheegay inay aragtay seygeeda oo careysan islamarkaana uu ku eedeynaya inay khiyaantay.
Wararka ayaa intaa ku daray in labada lamaane ay murmeen, iyadoona muwaadinka u dhashay dalka Jarmaalka uu xaaskiisa ugu hanjabay inuu mindi ku dili doono, iyadoo ka dib goobta ka baxsatay.
Muwaadinka Jarmalka ah ayaa sidoo kale la sheegay inuu isku xiray qolkiisa jiifka, halkaas oo markii dambe meydkiisa laga helay.
Saraakiisha booliska oo goobta tegay ayaa jebiyay qolka hurdada, iyagoo arkay meydka Armin .
Khuburro ku takhasusay baaritaanada dilalka oo ka socda xarunta dhexe waaxda DCI-da, iyo koox gurmad ah oo ka socotay xafiiska cilmi baarista dembiyada iyo sirdoonka ayaa isla markiiba la wareegay kiiskan.
Waxaa haatan socda baaritanno dheeraad oo arrinkan ku aaddan, iyadoo ehelka muwaadinka u dhashay dalka Jarmalka ee geeriyooday loogu yeeray inay yimaadaan dalka si loo helo xog badan oo ku saabsan geeridiisa.