Waxaa uu muran ka taagan yahay dhaqaalaha la siinaya dowlad deegaanada si ay ugu maareyaan howlahooda.
Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (COG) ayaa ka soo horjeestay soo jeedin dhanka miisaaniyadda ah oo uu soo saaray maamulka qoondeynta dakhliga ee CRA.
Maamulka au hoggaamiso Dr. Jane Kiringai ayaan aaminsanayn in ismaamullada ay xaq u leeyihiin in wakhti xaadirkan loo kordhiyo miisaaniyadda ay ka helaan dowladda dhexe.
Hasa ahaate guddoomiyaha golaha barasaabyada ee COG ahna madaxa ismaamulka Embu Martin Wambora ayaa sheegaya in dhaqaalaha loo qoondeeyo dowlad deegaanada uunan sii ahaan karin 370 bilyan oo shilin sidaas awgeedna loo baahan yahay in la kordhiyo.
Martin Wambora ayaa bayaan ku sheegay in ka dib wada xaajood qoto dheer oo ay sameyeen ay si aqlabiyad leh gaashaanka ugu daruureen soo jeedinta maamulka CRA.
Guddoomiyaha COG ayaa xusay in si loo badbaadiyo dowlad wadaajinta oo ayna si habsami leh ugu sii socdaan shaqooyinka ismaamullada ay codsanayaan in miisaaniyadda ay dowladda dhexe u qoondeyso laga dhigo 751.45 bilyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe aynan ismaamullada dalka siin karin dakhli ka hooseeya boqolkiiba 35.
Martin Wambora ayaa soo jeedintooda ah in miisaaniyadda dhaqaale loo kordhiyo u cuskaday sababo ay ka mid yihiin hoos u dhac dhanka kobaca dhaqaalaha , caqabad maaliyadeed, baahida loo qabo maareynta deymaha sidoo kale maalgelinta iyo xaqiijinta amniga xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.