Xoghayihii ugu horreeyay ee Madow Maraykan ah oo u geeriyooday COVID19

0
409

Colin Powell oo ah xoghayihii ugu horreeyay ee madow oo Maraykanku yeesho sidoo kalena ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ee milatariga dalkaas ayaa maanta u geeriyooday cudurka COVID19 isagoo 84 sano jir ah.
Qoyskiisa ayaa laga soo xigtay inuu si buuxda u qaatay tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Powell wuxuu ka mid ahaa dadka ugu caansan ee madow Ameerikaan ah wuxuuna la soo shaqeeyay saddex madaxweyne oo Maraykanka soo maray kana tirsanaa xisbiga Jamhuriga isagoo xilal sare soo qabtay wuxuu gaaray darajada ugu sarraysa ciidamada maraykanka.
Hoggaamiyeyaashii hore ee Maraykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ninkaan waxayna sheegeen inuu qaranka Maraykanka si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyay.
George W. Bush, madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa sheegay inay madaxweyneyaal badan ku tiirsanaayeen talada General Powell.
Shakhsigan ayaa ciidamada hoggaaminayay markii ay Maraykanku dalka Ciraaq ku duuleen sidoo kale xilli ay dagaalo ku galeen wadanka Kuwait si ay ciidamada Ciraaq uga saaraan dalkaas ayuu kaalin weyn ku lahaa.