Madaxweynaha dalka oo madaxda ismaamulka Kirinyaga ku dhiiragaliyay wada shaqayntooda

0
384

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku booriyay hogaamiyeyaasha dowlad deegaanka Kirinyaga ee ay ugu horayso barasaabka maamulkaas Anne Waiguru inay midoobaan oo ay wada jir iskula shaqeeyaan si ay hormar iyo barwaaqo u gaarsiiyaan bulshada ay hogaaminayaan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hogaamiyeyaashaan wuxuu uga digay siyaasada khiyaanada ku dhisan iyo hadalada aan micnaha lahayn wuxuuna sheegay in hogaaminta wanaagsan xoogga lagu saaro nabada,isku duubnida iyo midnimada guud ahaan bulshada si ay u noqdaan kuwo leh awood hormarineed
Madaxweyne Kenyatta ayaa arimahaan sheegay galinkii danbe ee isniinta maanta ah xili uu kulan kula qaatay madaxtooyada yar ee Sagana Lodge ee dowlad deegaanka Nyeri hogaamiyeyaasha ismaamulka Kirinyaga oo lagu wado in 20 bishaan oo arbacada ku beegan lagu qabto maalinka qaran ee halyeeyada dalka Mashujaa day oo sanadkaan ka dhacaysa Garoonka a Wang’uru ee degmada Mwea.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mashaariicda hormarineed ee ee balaayiinta shilin ku baxayso oo dowladu ka fulinayso Kirinyaga gaar ahaan mashruuca lagu dhisayo Biyo xireenka Thiba Dam oo lagu dhisayo Ksh.8.5 bilyan oo shilin ay gacan weyn ka gaysanayaan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha gobolka iyo guud ahaan dalka.
Madxweynaha aya tilmaamay in beeralayda bariiska ee gobolka abrtamuhu ay fursado wanaagsan heli doonaan Biyo xireenka Thibana uu qayb weyn kla qaadanayo sare u qaadida waxsoo saarka si loo daboolo baahida maxaliga ah.
Si la mid ah dib u habayntii dhawaan lagu sameeyay beeraha caleenta shaaha iyo qaxwada madaxweynuhu wuxuu sheegay in isbadaladaan ay xaqiijin doonaan sidii ay beeralaydu bariiska ee gobolku faa’iido badan uga heli lahaayeen wax soo saarkooda.
Barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa madaxweynaha uga mahadcelisay hogaamintiisa aragtida fog leh oo ay xustay inay gacan ka gaysatay isbadalka nolosha bulshada dowlad deegaanka Kirinyaga ayadoo loo marayo mashaariic hormarineed oo kala duwan oo ay hirgalisay dowlada dhexe.
Barasaabka Kirinyaga ayaa sheegtay inay dhismiyaasha wadooyin iyo goobo kale oo muhiim ah oo ay dowladuna jirgalisay ay sare u qaadayso isu socodka gobolka.
Ayaduu hoosta ka xariiqday in xiriirka wanaagsan eek a dheexeeya deegaanada kala duwan ay dhiiragalinayso ganacsiga oo dalxiisku ka mid yahay.