Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa u balan qaaday beeralayda qaadka ee ismaamul goboleedka Meru inuu xaqiijin doono wax soo saarkooda inay suuq uga helaan wadamo kala duwan hadii loo doorto hogaanka wadanka sanadka danbe.
Arrimahaan ayuu ka sheegay magaalada Mau ee ismaamulka Meru maanta oo ah Maalinta koowaad ee socdaal Saddex cisho qaadanaya oo uu ku jooga ismaamulada Bariga Mt Kenya halkaasoo uu ka wado ololihiisa uu bulshada ku soo jiidanayo.
Ra’isul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu wadamo badan suuqa ugu raadin doono beerayda qaadka hadii hoggaanka dalka loo doorto gaar ahaan wuxuu carabaabay Jamhuuriyada dimuqraadiga ee ee Congo (DRC) iyo Soomaaliya.
Madaxa ODM ayaa wacad ku maray inuu xalin doono caqabadaha ka jira xadka ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan si loo hubiyo in badeecooyinka uu qaadku ka midka yahay si nabad ah ugu kala gudbaan.
madaxa ODM wuxuu sheegay inuu dareensan yahay dhibaatada beeralayda qaadka ka soo gaadhay suuq la’aanta maadaama suuqoodii Soomaaliya hoos u dhacay sidoo kalena uu rajo ka qabo inuu dib u furmo,isagoo intaas ku daray inay sxbo dhow yihiin hogaamiyaha DRC ayna kala hadli doonaan si khaadka Kenya ka soo baxa wadankaas loogu iibgeeyo.
Wuxuu intaasi ku daray inay raadin doonaan wado saxan oo dalalka kale loogu qancinayo inay iibsadaan qaadka ay soo saaraan beeralayda jaadka ee wadanka
Mr Odinga wuxuu markale difaacay Santuuqa badbaadinta bulshada ee uu sheegay inu qoysaska danyarta ah bishii la siin doono lacag agaraya 6,000 oo shilinka dalka ah si ay noloshooda ugu maareeyaan.
Isagoo ku gacan sayray hadalada dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeda ee qorshahaan dhaliilay isagoo sheegay inay arintaani tahay mid suuragal ah dowladuna ay ku bixin doonto dhaqaale gaaraya qiyaastii 150 bilyan oo Ksh.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inay Kenya sanadkasta lumisp dhaqaale gaaraya ku dhawaad 600 milyan wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu xanibi doono dhamaan daldaloolada musuqmaasuqa islamarkaana uu dhaqaalahaas u weecin doono santuuqa ilaalinta bulshada.