Haweeney loo doortay afhayeenka baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida

0
351

Golaha Baarlamaanka Dowad Deegaanka Soomaalida ayaa kallfadhigoodii lixaad maanta u doortay Afhayeenka golahaasi Ayaan Cabdi., sida lagu shaaciyay bogga Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida.
Waxaa markii ugu horreysay si rasmi ah loo dhaariyay Gololaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida .
Madasha ay ka socotay munaasabadda ayaa sidoo kale lagu dhaariyay Xildhibaanada Dowlad Deegaanka iyadoo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Guud Cabdulaahi Siciid Cumar.
Afhayeenka cusub, Ayaan Cabdi ayaa si rasmi ah maanta ula wareegtay xilka Afhayeenka Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.