Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in gobolka bartamaha dalka uu weli soo saari karo madaxweynaha xiga ee dalka.
Mr. Muturi ayaa sheegay in kuwa u maleeya in gobolkaasi uusan soo saarin musharrax madaxweyne ee doorashada guud ee soo socota, isagoo xusay inaysan ka daalin qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa u sheegay dadka deegaanka in ay u midoobaan hoggaamiye eegi doona danahooda, isagoo leh waa in ay ka taxaddaraan in aysan ku dhicin gacmo qaldan.
Waxaa uu intaa ku daray ballanqaadka uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ee ku aadan in cid kasta oo aan shaqo hayn ay dowladda bil walbo siin doonto 6,000 oo shilin, taas oo uu sheegay inaysan xal u noqon doonin soo afjaridda saboolnimada.
“Waxaan Raila u sheegaya in shacabka gobolka bartamaha dalka aysan aaminsaneen in lacag lagu siiyo si bilaash ah, runta u sheeg in xitaa lacagtaasi canshuur ka imaan doonto” ayuu yiri Justin Muturi.
Mr. Muturi ayaa sheegay in Kenyaanka u baahan yihiin siyaasado dhaqaale oo wanaagsan halkii ay ka ahaan lahayd lacag caddaan ah oo la siiyo, taas oo abuuri doonta saboolnimo halkii ay soo afjari lahayd.
Guddoomiyaha oo horay u shaaciyay inuu xiiseynayo u tartamida jagada madaxweynenimo ayaa ku boorriyay shacabka Kenyaanka inay taageeraan isaga oo ballanqaaday inuu soo nooleyn doono dhaqaalaha islamarkaana kor u qaadi doono maamul wanaagga.
Wuxuu ballanqaaday in dowladdiisa ay ahaan doonto xukuumad si weyn u taaban doonta kartida dhallinyarada, isagoo sheegay inay mudan yihiin in la siiyo fursad ay ku soo bandhigaan kartidooda.
Dhallinyarada ayuu ku boorriyay inay qaataan kaarka codeynta oo ay hubiyaan inay ka qaybgalaan doorashada guud ee sanadka dambe, isagoo sheegay in tani ay gacan ka geysan doonto in aan la dooran hoggaamiyayaasha aan sumcadda wanaagsaneyn.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay inay u tartamaan jagooyin kala duwan si loo doorto, halkii ay sugi lahaayeen in la magacaabo.
Muturi ayaa dhanka kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha in ay wax ka qabtaan arrinta qiimaha korontada ee aadka u sarreeysa sida ugu dhakhsiyaha badan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in qiimaha korontada oo aad u sareeysa ay micnaheedu tahay in lagu dulminayao maalgashadayaasha iyo muwaadinka caadiga ah.
“Waxaan u baahanahay inaan isku dayno wax walba si aan u yareyno qiimaha korontada si ay maal gashadayaashu u ganacsadaan si macaash leh” ayuu yiri ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka ee dalka.
Home Wararka Kenya Justin Muturi:Gobolka Mt. Kenya waxay weli soo saari karaan madaxweynaha xiga ee...