Guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa dadweynaha ugu baaqay inay u soo baxaan barnaamijka diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Waxaa uu walaac ka muujiyay in weli tirada dadka ee iska diiwaangeliyay Garissa ay hooseyso.
Cabdi Dhaqane oo la kulmay saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudada dalka ee IEBC ayaa tilmaamay in qaadashada kaarka codeynta uu qofka muwaadinka ah u suuragelinayo inuu xusho hoggaamiye wanaagsan.
Waxaa uu xusay inuu fahansan yahay saameynta ay abaarta ku yeelatay diiwaangelinta codbixiyayaasha hasa ahaate uu shacabka uga digaya inay sugaan xilliyada ugu dambeeya.
Maareyaha howlaha IEBC ee ismaamulka Garissa Xuseen Guure ayaa dhankiisa sheegay inay diiwaangeliyeen ugu yaraan 4,370 qof oo codbixiyayaal cusub.
Waxaa uu intaasi ku daray inay bartilmaameedsanayeen 53,074 qof.
Tirada ilaa iyo hadda is diiwaangelisay ayuu Xuseen ku sheegay boqolkiiba 8 in kastoo goobaha diiwaangelinta ee ismaamulkaasi la kordhiyay.
Marka la eego deegaan baarlamaneedyada Garissa , Dadaab waxaa laga diiwaangeliyay ugu yaraan 1066 qof , Garissa Township 1037, Ijara 569, Lagdera 561, Balambala 545 halka Fafi tiradan ay tahay 513.