Madaxweyne Uhuru oo dhigiisa Maraykanka kala hadlay amniga iyo ganacsiga

0
469

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo shalay kulan la qaatay dhigiisa Maraykanka Joe Biden ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ay dani ugu jirto labada wadan sida ganacsiga, amniga , kobcinta dhaqaalaha , sare u qaadidda iskaashiga ka dhexeya iyo la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimillada.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dhaqdhaqaaqa ganacsiga u dhexeya Kenya iyo Maraykanka qiimihiisu lagu sheegay 1.1 bilyan oo doolar.
Kulanka oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah ayuu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku shaaciyay in dowladdiisa ay Midowga Afrika ugu deeqi doonto 17 milyan oo ah daawooyinka tallaalka cudurka COVID-19 oo dheeraad ah.
Maraykanka ayaa Kenya soo gaarsiiyay 2.8 milyan oo kuuro oo ah tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
Mr. Kenyatta ayaa dhankiisa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Kenya iyo si guud qaaradda Afrika gaar ahaan la tacaalidda cudurka COVID19.
Waxaa uu soo dhaweeyay daawooyinka dheeraadka ee ay ku deeqayso xukuumadda Washington isagoo muujiyay in qaaradda Afrika ay la daala dhacayso sidii ay ku heli lahayd tallaal ku filan.
Kenyatta iyo Biden waxay sidoo kale ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo maalgashiga.