Hogaamiyeyaasha dhuusamareeb ku shirayo oo loogu baaqay inay soo saaraan Go’aamo maangal ah oo ay ku midaysan yihiin

0
496

Xubnaha Beesha Caalamka oo war kasoo saaray shirka wadatashiga Soomaalida ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug,ee oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhinacyadu Tanaasul badan Muujiyaan.
Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalmaka ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan shirkaas wadatshiga ah, waxayna madaxda halkaas ku kulansan ay ku boorriyeen inay sii wadaan wada xaajoodka, ayagoo intaas ku daray in la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad guud oo loo dhanyahay si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka Soomaaliya la xiriiray.
Saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya waxaay sidoo kale soo dhoweeyeen wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda dhexe eeFederaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxaayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha inay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka.
Shirka ka socda Dhuusamareeb ayaa maanta Galay Maalinkii labad kadib markii uu shalay furmay, waxaana lagu gor-faynayaa arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhici doona Sanadkaan, iyadoo uu jiro Khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Hogaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland,beesha Caalamkuna ay ku cadaadinayso dhinacyada inay soo saaraanw ax ay isla ogolyihiin.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ka ayaa waxaa wali ka socda Shirka wadatashiga ah ee u dhexeeya Madaxada Dowladda dhexe iyo Maamulada.
Shirka oo xalay saqdii dhexe la isla soo gaaray ayaa ahaa mid Qodobbo dhowr ah looga dooday Markii uu shalay Furmay ilaa xalay, waxaana jira sida warar hoose ay sheegayaan in la isku mari waayay Qodobada ay ka mid yihiin arrinta Gobolka Gedo iyo Xildhibaanada ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
Shirka ka dib waxaa billawday kulamo gaar-gaar ah oo ay yeesheen Madaxweyna Soomalaiya, Madaxda Maamul Goboleedyada: Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ay si weyn kaga doodeen Qodabadii marki hore la is ku mari waayay, iyadoo ay kulamadaasi gaar-gaarka ah ay dibad joog ka ahaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaaahi Deni sida ay wararku sheegayaan.