Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in isbeddel lagu sameyn doono booliska dalka

0
599

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono waaxda qaran ee adeegga booliska.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddooyinka isbeddelladan ay ka mid tahay in sare loo qaado tayada ciidamada ammaanka gaar ahaan ka hor tagga iyo ka falcelinta xadgudubyada jinsiyadeed.
Matiang’i ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu soo bandhigay xeerka loogu magacdaray POLICARE oo loola jeedo daryeelka booliska.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marka saraakiisha ammaanka la siiyo tababarro wacyigelin ah ka dib ay si wanaagsan uga jawaabi doonaan baahiyaha shacabka.
Dib u habeynta waaxda qaran ee adeegga booliska ayuu wasiirku tilmaamay inay tahay mid ku saleysan xaqiijinta in booliska si ay baniaadanimo ku dheehan tahay ula macaamilaan dhibanayaasha tacaddiga jinsiyadeed.
Xeerka POLICARE ayaa noqonaya madal lagula taliyo sidoo kalena ay caddaalad ka helaan dadka loo gaystay xadgudubyada loo yaqaano (SGBV).