Kulan farsamo oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socda Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) oo la filaayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa dib u dhacay, kaddib markii sida la sheegay la isku raaci waayey ajendaha looga hadli lahaa kulankaasi.
Kulanka waxaa shir-guddoomin lahaa Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Fiona Lortan, oo ah Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee wadamada Midowga Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u soo saartay baaq ka dhan ah go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika kaasoo la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ciidanka ka socda dalalka Midowga Afrika.
Dhanka kale, xubnaha ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa iyagana dhankooda sheegay inay ku adkaysanayaan qodobbada Baaqa ah ee golaha amniga iyo Nabada Midowga Africa ka soo baxay 7 bishaan.