Maxkamadda ICJ oo galabta go’aan ka gaareysa dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0
521

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, ayaa lagu wadaa in maanta ah ay soo saarto xukunkeeda ku aaddan, muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Labada dalba waxa ay sheeganayaan lahaanshaha 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaal badweynta Hindiya, halkaas oo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal.
Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee maanta aysan waxba iska beddelin.
Waxaa lagu wadaa in go’aanka maxkamadda ICJ ee muranka badda taasoo u dhexeysa dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay ku dhawaaqdo 3 galabnimo ee saacadda geeska Afrika.