Xeer ilaaliyihii ugu horreeyay Kenya oo beeniyay wararka sheegaya inuu dhintay

0
581

Xeer ilaaliyihii guud ee Kenya ee ugu horreeyay xorriyadda ka dib, Sir Charles Njonjo, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya geeridiisa.
Mr. Njonjo, ayaa bayaan uu u soo saaray ku sheegay in wararka la isla dhexmarayo ay yihiin kuwa been abuur ah.
Waxaa uuna caddeeyay inuu noolyahay oo uu wakhti fiican ku qaadanayo hooygiisa.
Sir Njonjo ayaa caddeeyay inuu u dabaal deggayo maalinta dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha ku nool dalka ee Utamaduni Day.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay habeenimadii Sabtida inuu geeriyooday xeer ilaaliyihii guud ee Kenya ugu horreeyay xorriyadda ka dib.
Waxaa ay haatan da’adiisu tahay 101 sano jir.