Atwoli oo loo doortay inuu hoggaamiyo qorshayaasha dowladda ee gobolka galbeedka dalka

0
550

Hoggaamiyeyaasha gobolka galbeedka dalka ayaa u doortay xoghayaha daladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli inuu hoggaamiyo qorshayaasha dowladda ay qowmiyadda Luhya.
Kulan wadatashi ah oo uu isugu yeeray barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya iyo madax kale oo laga soo doortay dowlad deegannada galbeedka dalka ayaa lagu ansixiyay inuu Atwoli noqdo madaxa wada xaajoodka siyaasadeed ee bulshada Luhya.
Waxaa ay sheegeen in hadda ka dib ay hal cod ku hadli doonaan, islamarkaana ay doonayaan in qayb ka noqdaan dowladda xigta ka dib doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Mr. Atwoli ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaamiyeyaasha sida ay ugu aamineen doorka ah inuu hormuud ka noqdo wada xaajoodka siyaasadeed isagoo matalaya gobolka galbeedka dalka.
Waxaa xusid mudan in kulanka lagu ansixiyay Francis Atwoli inuu hoggaamiyo qorshayaasha dowladda ay qowmiyadda Luhya ay ka maqnaayeen hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhiggiisa Ford Kenya ahna senetarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula.