Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa maalmo ka hor wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaaciyay in maanta ay tahay maalin fasax ah.
Waxay micnaheedu tahay in maanta laga nasanaya shaqooyinka si loo xuso maalinta dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha ku nool dalka ee Utamaduni day oo shalay ku beegneyd.
Maalinta Utamaduni Day oo sharciga ansixiyay ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo Kenya looga dabaal deggo.
Kenyaanka ayaa loogu baaqay inay ka wada shaqeeyaan midnimada.
Nuxurka maalinta Utamaduni ayaa ah in dadka Kenyaanka ah ay u dabaal degaan kala duwanaanshaha dhaqammada hodanka ah si kor loogu qaado midnimada, wadajirka qaranka iyo horumarka dhaqaalaha.