Tacaddiga jinsiyadeed oo Kenya looga cirib tiri doono 5 sano

0
397

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha Prof. Margaret Kobia ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in shan sano gudahood ay wadanka uga cirib tirto xadgudubyada jinsiga ku saleysan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in diiradda la saarayo sidii sanadka 2026-ka looga gudbi lahaa tacaddiga ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.
Sidoo kale waxay ballanqaaday in dowladdu ay sare u qaadi doonto wacyigelinta arrinkan ku aaddan.
Margaret Kobia ayaa xustay in meesha laga saaraya dhamaan waxyaabaha sababo inay dhacaan xadgudubyada jinsiyadeed.
Prof. Kobia waxay sheegtay in dhaqaale dhan 5.5 bilyan oo shilin loo qondeyn doono fulinta qorshaha ka dhanka ah dhibaateeynta dumarka.
Sidoo kale dhammaan ismaamullada dalka waxaa laga hirgelinayaa xarumo si degdeg ah uga falcelinaya tacaddiga jinsiyadeed sidoo kalena lagu daryeeli doono dhibanayaasha xadgudubyada noocan ah loo gaysto.